Koronto la’aan maalinkii 3-aad ka taagan xarumaha maamulka G/Banaadir

32

Waxay maalintii seddaxaad korontadu ka maqantahay xarunta maamulka gobalka Banaadir, xarunta laga qaato warqadaha dhalashada iyo sugnaanta ee Dad-dhigista iyo xarunta ururka dhalinyarada gobolka Banaadir.

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo dad adeeg u doontay xarunta Dad-dhigista ee dowladda hoose ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in maalintii 3-aad aysan koronto ka jirin aqalka dowladda Hoose, waxaana sababta lagu sheegay in dowladda Hoose iska bixin weysay lacagta korontada.

Xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo ka gaabsaday magacyadooda iyo codkooda ayaa KNN u sheegay in Sabtidii la jartay korontada, kadib markii lagu soo dalacay lacag ku dhow $500,000, taas oo ah lacag is gaartay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in sidoo kale lacago kale lagu soo dalacay xarumaha kale ee kala ah Dad-dhigista iyo tan ururka dhalinyarada.