Dhagaysiga dacwada dad loo heysto dilkii Weriye Jamaal Kashoqji oo ka bilaabaneysa Turkiga

15

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa berri oo Talaado ah bilaabaysa dhagaysiga dacwad ka dhan 20 ruux oo u dhashay dalka Sacuudiga, kuwaas oo loo haysto dilkii labo sano ka hor dalka Turkiga loogu gaystay weriye Sacuudiyaan ahaa oo la oran jiray Jamaal Kashoqji.

Dacwad oogayaal Turki ah ayaa sheegay in dhagaysiga dacwadaan la qaadayo ayadoo eedeysanayaashu goobjoog aheyn, waxaana wararku intaa ku darayaan in maxkamadu go’aan ka gaarto xubnaha lagu eedeeyay inay dilka weriyahaan ka dambeeyeen.

Qorshuhu waxaa uu yahay in maxkamada ay tagaan goobjoogayaal iyo qaar ka mid ah shaqaalaha qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul oo ah halka uu dilku ka dhacay

Horay ayay dowladda Turkiga shaqsiyaadka dilka weriye Jamaal lagu eedeeyay oo u badan askar sirdoonka Sacuudiga ka tirsan dacwadooda ugu gudbisay booliska adduunka ee INTERPOL, waxaana la dul dhigay digniinta cas.

Maxkamad Sacuudiga ku taalla ayaa dhawaan 5-xubnood oo dilka weriyahaan ku eedeysan ku xukuntay dil toogasho ah.

Weriye Jamaal Kashoqji oo u shaqaynayay wargeyska Washington Post ayaa aad u dhaliili jiray siyaasadda boqortooyadda Sacuudiga, waxaana lagu dhex dilay qunsulliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul Turkiga ku taalla, halkaas oo uu ka doontay warqado uu ku doonayay inuu ku guursado.