RW Rooble oo war ka soo saaray u jeedka uu u tegay Baydhaba

34

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, ayaa war ka soo saaray safarkiisa.

Rooble oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitterka ayaa sheegay in u jeedka safarkiisa uu qeyb ka yahay qorshaha xukuumadiisa.

Sidoo kale waxa uu sheegay inta uu joogo Baydhaba inuu xarigga ka jari doono mashaariic la hir-geliyey kuwo kalena uu dhagax dhigi doono.

“Safarkeygu waxa uu qeyb ka yahay fulinta qorshaha 100-ka maalmood ee xukuumadda. Waxaan kulammo iswareysi ah la yeelan doonaa hoggaanka & qeybaha bulshada KG. waxaan furi doonaa mashaariic la hirgaliyay, kuwana waan dhagax dhigi doonaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Rooble.

Rooble iyo wafdigiisa ayaa is weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhaba, waxaana loo gudbiyey dhanka madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed.

Waa safarkii ugu horeeyey ee Ra’iisul wasaare Rooble intii uu xafiiska joogay uu ku tegay magaalo maamul goboleed, waxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay in magaaladii u horeysay ee uu u safray ay Baydhaba tahay.

Rooble ayaa madaxda maamulka Koonfur Galbeed kala hadli doona sidii loo dedejin lahaa howlaha doorashada iyo fulinta heshiiskii la gaaray.

Amniga magaalada Baydhaba ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana la dhigay wadooyinka waaweyn ciidamo ka tilsan milateriga Soomaaaliya, gaar ahaan kuwa koofiya casta oo laga qaaday magaalada Muqdisho.

Doorashada guud ee dalka ayaa waxaa ka dhimman qabsoomideeda muddo kooban, sida ku cad heshiiskii ay madaxdu ka gaareen, in kastoo ay jiraan cabashooyin iyo caqabado uu durba wajahayo heshiiskaas.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaan weli soo magacaabin xubnihii ku meteli lahaa guddiyada doorashada ee heer dowlad goboleed, maadaama ay ku qanci waayeen hanaanka ay howlaha doorashada u maamuleyso Villa Somalia, waxaana gabi ahaanba diidmo lagala hor yimid xubnaha guddiyadaas ka magacaabay oo la sheegay in laga soo kala xulay NISA iyo shaqaalaha dowladda.