DF oo digniin ka soo saartay dufaan ku soo wajahan qeybo ka mid ah Soomaaliya

18

Wasaaradda Gargaarka Mareeynta iyo Masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku socotay dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Bari ee Puntland.

“Wasaaraddu waxay ka digeysaa duufaano kusoo wajahan inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Xaafuun, waxa ay daba socotaa roobka ka da’aya deeganada Puntland”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

Duufaantaas ayaa magaceeda waxay wasaaraddu ku sheegtay ‘Gati’ waxayna ku sucotaa xawaare sare, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa war-saxaafadeedkan ku sheegtay inay bulshada lasoo wadaagi doonto hadba wixii kasoo kordha duufaantaas ku soo wajahan deegaano ka tirsan gobolka Bari.