RW Rooble oo gaaray Baydhaba iyo u jeedka safarkiisa

18

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa is weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhaba, waxaana loo gudbiyey dhanka madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ee magaalada Baydhaba ayaa la sheegay inuu ku qotomo dhameystirka heshiiska doorashada ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ay Muqdisho ku gaareen.

Rooble ayaa madaxda maamulka Koonfur Galbeed kala hadli doona sidii loo dedejin lahaa howlaha doorashada iyo fulinta heshiiskii la gaaray.

Amniga magaalada Baydhaba ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana la dhigay wadooyinka waaweyn ciidamo ka tilsan milateriga Soomaaaliya, gaar ahaan kuwa koofiya casta oo laga qaaday magaalada Muqdisho.

Doorashada guud ee dalka ayaa waxaa ka dhimman qabsoomideeda muddo kooban, sida ku cad heshiiskii ay madaxdu ka gaareen, in kastoo ay jiraan cabashooyin iyo caqabado uu durba wajahayo heshiiskaas.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaan weli soo magacaabin xubnihii ku meteli lahaa guddiyada doorashada ee heer dowlad goboleed, maadaama ay ku qanci waayeen hanaanka ay howlaha doorashada u maamuleyso Villa Somalia, waxaana gabi ahaanba diidmo lagala hor yimid xubnaha guddiyadaas ka magacaabay oo la sheegay in laga soo kala xulay NISA iyo shaqaalaha dowladda.