Wasiirka Haweenka XFS oo daah-furtay qorshaha Qaran ee hirgelinta Axdiga haweenka Soomaaliyeed

10

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda aadanaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta daahfurtay qorshaha qaran ee hirgalinta Axdiga Haweenka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 100 ergo oo ka kala yimid dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim oo ka hadashay madasha ayaa sheegtay in ay ka go’antahay dhaqan gelinta axdiga oo ah mid ay haweenka Soomaaliyeed wakhti badan geliyeen soo saaristiisa.