Maxaabiis ka baxsatay xabsi ku yaalla dalka Lubnaan oo ku dhintay shil gaari

11

Dalka Lubnaan shan maxbuus ayaa ku dhintay shil gaari, kadib markii baabuurkii ay ku baxsanayeen uu shil la galay.

Maxaabiista ayaa ka mid ahaa tiro ka soo baxsatay xabsi ku yaalla meel u dhaw caasimadda Beyrut.

69 maxbuus ayaa fursad u helay inay jebiyaan albaabada qolalkii ay ku xirnaayeen, sidaasna ay ku baxsadaan.

15 ka mid ah maxaabiistaas ayaa gacanta lagu soo dhigay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Lubnaan. Waxaana mid ka mid ah maxaabiista xabsiga dib ugu celisay hooyadiis.