Booliska Soomaaliya oo Goob fagaaro ah ku gubay jaad farabadan

19

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Maanta fagaaro ku yaalla Saldhiga  degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir  ku gubay jaad ( qaad) farabadan oo ay sheegeen in si sharci darro ah dalka loo soo geliyay.

Goobta jaadka lagu gubay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana jaadkaas lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in, iyaga oo fulinaya Amar kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay gubeen jaad cadadkiisu ahaa 184 jawaan Madoobe oo la soo kala qabtay 17-kii iyo 20-kii Bishaan November iyo 72 Jawaan Madoobe oo jaad ah oo la soo kala qabtay 14-kii & 17-kii Novembar.

Guud ahaan 256 jawaan madoobe ah ayuu sheegay Afhayeenka inay Maanta ku gubeen fagaaro ku yaalla Saldhiga  degmada Dharkeenleey, jaadkaas oo uu sheegay in dalka la soo geliyay, iyada oo aan weli xayiraadii COVID-19 aan weli laga qaadin sidoo kale xarumaha furdooyinka ee sharciga ah uusan soo maran.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali waxaa uu sheegay in ay hayaan oo ay xayiraad saareen Lix gaadiid ah iyo Shan doomood oo qaadka lagu keenay, kuwaas oo uu sheegay in sifo sharci darro ah ay u keeneen, waxaaa uu digniin u diray ganacsatada jaadka keena Magaalada Muqdisho.