Xasan Sheekh oo si adag u eedeeyey Fahad Yaasiin “Waxuu wadaa dumin siyaasadeed”

12

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeyb galayay barnaamij dood wadaag ahaa oo su’aallo lagu weydiinayay ayaa aad u eedeeyey Taliyaha Nabad sugida Fahad Yaasiin.

Xasan Sheekh ayaa Fahad Yaasiin ku eedeeyey inuu ka shaqeynayo dumin siyaasadeed. Isagoo ku tilmaamay inuu yahay milkiilaha dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

“Milkiilaha dowladda ee la sheego waa la garanayaa waa saaxiibkey Fahad Yaasiin, wuxuu ka shaqeynayaa dumin siyaasadeed, Madaxtooyada ayuu Agaasime ka noqday waa la ogyahay wixii ka dhacay, Nabad sugidda ayuu Taliye ka noqday waa la ogyahay wuu kala diray ciidankii hey’adda oo waa dumiyay , sidoo kale ciidanka booliska waa dumiyay”ayuu madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Kulankaas waxaa soo qaban qaabisay xarunta Talo Soo jeedinta Soomaaliyeed, waxuuna sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in Fahad Yaasiin ay si hoose ula hadleen, iyagoo ka dalbanaya inuu joojiyo awood marooqsiga iyo dumin uu sheegay inuu ku waday ciidamada Qaranka.

Hasa yeeshee waxa uu sheegay Xasan Sheekh in uusan hadalkooda Fahad dheg jalaq u siin, balse hadda ay fagaare ka sheegi doonaan waxa uu falkinayo oo uu ku tilmaamay dumin siyaasadeed oo dalka u hor seedi karta cawaaqib xubmo.

“Maanta waxaa siyaasadda duminaya saaxiibkey Fahad wiilkeyga burbur ayuu ka shaqeynayaa, hoos waa ugu sheegnay, hadana fagaare ayaa ugu sheegeynaa, siyaasadda dalkaan in la dumiyo ma ogolaaneyno”ayuu yiri Xasan Sheekh.