Dowladda Sacuudiga oo doonaysa inay la heshiiso dhigeeda Qatar

11
23 November 2019, Japan, Nagoya: Prince Faisal bin Farhan bin Abdullah Al-Saud (l), Minister of Foreign Affairs of Saudi Arabia, and Toshimitsu Motegi, Minister of Foreign Affairs of Japan, are present at the first plenary session of the G20 Foreign Ministers' Meeting. The foreign ministers of leading economic powers are today discussing free trade and Africa policy at a G20 meeting in Nagoya, Japan. Photo: Bernd von Jutrczenka/dpa (Photo by Bernd von Jutrczenka/picture alliance via Getty Images)

Wasiirka arrimaha dibbadda Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan Al-Sacuud ayaa sheegay in dawladiisu ay hadda wado qorshe ay kula heshiinayso dawlada Qatar oo uu xiriirkoodu go’ay saddex sanno ka hor.

Amiir Faysal waxaa uu sheegay mar uu la hadlay wakaaladda wararka Reuters inay hadda raadinayaan wado lagu dhamaynayo khilaafka Sacuudiga iyo Qatar waxaana uu intaa ku daray inuu sii jiri doono shuruudahoodii illaa khilaafka laga dhamaynayo.

Wasiirkaan waxaa uu sheegay inuu hadda jiro wada hadalo si hoose u bilowday labada dhinac inkastoo uu faafaahin uu ka bixin halka ay marayaan.

Wasiirka arrimaha dibbadda Qatar Sh, Max’ed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ayaa todobaadkii hore sheegay inay jirin cid ka faa’iday go’doomintii Qatar la saaray sanadkii 2017 ee ay dawladaha Khaliijka xiriirka ugu jareen.