Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay xarunta hay’adda Garsoorka

24

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhagax dhigay xarunta hay’adda Garsoorka Puntland.

Munaasabadda dhagax dhigga dhismahan cusub waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeyb-galay xeer ilaaliyaha Guud ee DFS, Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta, taliyaha ciidanka Booliska Puntland, Masuuliyiin ka tirsan labada aqalka ee Baarlamaanka DFS, Agaaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, saraakiil ka tirsan hay’addaha Garsoorka Puntland, taliyaha ciidanka Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegey in  ay ka go’an tahay in la helo xarumo garsoor oo ku habboon Shaqada ay bulshada u hayaan, kuwaasi oo leh tayo iyo shaqo wanaagba, waxaana dhismahan cusub fulintiisa leh maamulka Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u mahad celiyey cid kasta oo dadaal ku bixisay in la hirgeliyo, lana-helo xaruntan hay’adda Garsoorka Puntland, taasi oo muhiim u ah Dowladnimada.