: Shir wada-tashi ah oo Muqdisho uga furmay musharaxiinta mucaaradka ah

10

Shirka wada-tashiga midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee sanadka 2021-ka ayaa goor dhow ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirkan ayaa socon doona seddaxda maalmood ee soo socota, waxaana looga arrinsanayaa doorashada Soomaaliya oo haatan hanaanka loo wado tabasho badan ay ka qabaan musharaxiintu.

Musharaxiinta kala ah Xasan Cali Kheyre, Xasan Sheekh Maxamuud Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabduqaadir Cosoble Cali, Daahir Maxamuud Geelle, Musstaf Sheekh Cali Dhuxulow, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale ayaa ka qeyb gelaya shirka maanta ka furmay Muqdisho.

Intooda badan musharraxiintan waxay Muqdisho soo gaaree maalmihii u dambeeyey, waxayna isku baheysteen gadood ay ka qabaan qaabka loo qabanayo doorashada dalka oo ay madaxtinimadiisa u wada hanqal taagayaan.

Waxaa la filayaa in shirkan laga soo saaro go’aano ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo la xiriira doorashada soo socota ee dalka.

Cabashada ugu badan ayey musharaxiintan ka qabaan xubnaha loo soo magacaabay guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka, waxaana lagu qadaa inay shirkan go’aan mideysan uga qaataan guddiyada magacaaban.