Muuse Biixi oo lagu eedeeyey in uu soo fara-geliyey doorashada Soomaaliya

13

Madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu eedeeyey inuu soo farageliyey arrimaha doorashada Soomaaliya, isla markaana uu la saftay guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa hoggaaminaya garab ka mid ah dhinacyada isku haya hanaanka loo marayo doorashada kuraasta baarlamaanka gobollada waqooyi ee Somaliland.

Arrinta ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah cidda soo magacaabeysa xubnaha guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ee metelaya gobollada waqooyi.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo taageero ka helaya xukuumadda uu hoggaamiyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa hor boodaya siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ku doodaya in soo magacaabidda xubnahaas ay mas’uuliyadi ka saarantahay xukuumadda federaalka.

Xoghayaha Xisbiga Wadani ee Somaliland Khadar Xuseen Cabdi ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey in uu la saftay mid ka mid ah labadaas garab ee isku haya doorashada kuraasta baarlamaanka federaalka ka soo gelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Xoghayaha ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Bixii uu la saftay garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, isagoo taas ku tilmaamay mid xad gudub ku ah mowqifka Somaliland ee gooni isu taaga ah.