Guddoomiye Cabdi Xaashi oo soo magacaabay guddi doorasho

45

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa maanta magacaabay guddiga doorashada xildhibaanada baarlamaanka ka soo gelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Guddoomiyaha ayaa magacaabay sideed xubnood oo guddigaas uu ka koobanyahay, waana guddigii labaas ee uu soo magacaabay Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Guddoomiyaha ayaa horay xukuumadda iyo Madaxweyne Farmaajo ugu eedeeyay inay u afduubantahay doorashada xildhibaanada baarlamaanka ka soo gelaya gobollada waqooyi.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in dhagaha laga fureystay magacyada guddiyo dhowr ah oo liiskooda uu u gudbiyay xukuumadda federaalka.