Faahfaahino ka soo baxaya dad maanta lagu dilay Ceelasha Biyaha

59

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya koox hubeesan oo maanta deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaada Hoose ku dishay seddax qof oo labo kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsaneed ciidanka dowladda Soomaaliya.

Qofka kale ee seddaxaad ayaa la sheegay inuu ahaa shacab.

Sida aan xogta ku helnay koox hubeysan ayaa rasaas ku furtay mooto ay la socdeeen seddaxda qof ee geeriyootay, kuwaas oo labo askar aheyd.

Goobjoogayaal ayaa noo sheegay in askarta la dilay ay ka mid ahaayeen ilaalada guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda deegaanka Ceelasha Biyaha.