Madaxda DF iyo kuwa mucaaradka oo loogu baaqay in aysan dalka qalalaase gelin

56

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa xalay raali gelin ka bixiyay doorkii uu ku lahaa weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhacay bishii December ee sanadkii 2017-kii.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo siyaasiin kale ayaa Kheyrre u ku cadaadiyay inuu raali geliyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo inuu ka garaabo cadaadiskii kale ee la saaray Madaxweynayaashii hore ee dalka, xildhibaano iyo senatarro ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran iyo siyaasiin kale.

Xubno kamid ah shirkadda diyaaradii ay shalay isla soo raaceen siyaasiinta  ayaa KNN in Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyrre aysan isi-salaamin dhib badanna laga maray in ay diyaaradda isla soo raacaan.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xubno muhiim ah oo ka tirsan xisbiyada UPD iyo Himilo Qaran oo ay kala hoggaamiyaan Shariif Sheekh iyo Xasan Sheekh ay weli dalbanayaan inuu cadeeyo Kheyre mowqifkiisa ku aadan saaxibadiisa hore ee Villa Somalia, iyagoo sheegay in ay wali ka cabsi qabaan in uusan jirin khilaaf kala dhaxeeya hoggaanka dowladda.

Sidoo kale xubnahaan mucaaradka ayaa sheegay in aysan ku qancin khubadiisa shalay uu Muqdisho ka jeediyey Xasan Cali Kheyrre.

Kheyrre oo ay baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida kala laabteen dhamaadka bishii July ee sanadkan ayaa hada loo ogolaaday inuu ka soo dhinac muuqdo siyaasiinta mucaaradka ah.

Dad badan ayaa aaminsan in Kheyre uu iska soo xiray mid kamid ah caqabadihii hor godbanaa.