Itoobiya oo gacanta ku dhigtay hub farabadan

12

Booliska magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub iyo banbaanooyin si sharci daro ah lagu heystay .

Baaritaano ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada ayey sheegeen in 113, isugu jira qoryo iyo bistoolado ay ka heleen degmada Nefassilk Lafto ee ka tirsan Addis Ababa .

Hubkan ayaa boolisku tilmaameen in laga helo guryo iyo xafiisyo kala duwan oo xaafadaasi ku yaala.

55 qori oo ah nooca AK-47 iyo 19 garneyl oo kuwa gacanta ah ayaa ka mid ah hubka la qabtay.

Sidoo kale booliska waxa ay sheegeen in ay qabteen $64,000 .

Booliska ma sheegin dad ay soo qabteen oo arintan lala xiriirinayo inta ay ku guda jireen howlgalka qorsheysan ee hubka lagu soo helay.