Kheyre oo sheegay in khilaafka doorashada uu sababi karo dagaal ka dhaca dalka sida Itoobiya

12

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ahna musharax Madaxweyne oo Maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.

Kheyre oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in uu horay u sheegay intii uu xilka haayay inay waajib tahay in Afartii sanaba dalka ay ka dhacdo  doorasho xor & xalaal ah oo waafaqsan Dastuurka  haatana uu markale ku celinayo.

Waxaa uu sheegay in hadii ana lagu heshiin nidaamka doorasho aan lagu heshiineyn doonin dowladnimada ka dhalata, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in Cashar laga barto wixii la soo maray.

Xasan Cali Kheyre  waxaa uu hadalkiisa intasi ku daray in doorasho aan lagu heshiin ay ka dhalan karaan dhibaatooyin kala duwan, isaga oo tusaalo u soo qaatay dagaalka ka socda Itoobiya oo uu sheegay inuu ka dhashay doorasho dib loo dhigay.

“ Waxaan maanta dalka dib ugu soo laabtay in uu jiro walaac la xiriiro doorashada, waxaana ugu baaqayaa madaxda dowladda & Shacabka Soomaaliyeed inay muhiim tahay in lagu heshiiyo doorashooyinka, laakin hadii aan lagu heshiin ay Qatar geli karto dowladnimada Soomaaliya ayuu yiri” Xasan Cali Kheyre.