Musharax Madaxweyne Daahir Geelle” Ma rabno isku goodin dagaal & dowlad Albaabka xirata”

31

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle oo Maanta waxaa siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka & Arrimaha doorashooyinka.

Isaga oo kula hadlayay taageerayaashiisa Xarunta Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay ee DAN-QARAN ayuu sheegay in ay u baahan yihiin siyaasad ku dhisan Nabad, deganaan iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho iswada-ogol ah.

Waxaa uu sheegay in Siyaasiyiinta badankood ay kusoo aruureen Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka hadli doonaan sida ay noqonayaan doorashoyinka dalka, hayeeshee muhiim ay tahahy in si nabad ah wax lagu raadiyo.

Waxaa uu ka digay in la abuuro Colaado sekeeye oo dalka ka dhaca, waxaana uu sheegay in hanaan nabdoon wax lagu raadiyo ay tahay hamigiisa koowaad oo uu u shegayo dadka uu doonayo in xukumo.

“ Waxaan u baahanahay Siyaasad degan, Nabad ay doorashada ku dhacdo si iswada-ogol ah isdil iyo dagaal isku goodin & dhiilada waa isku dirid dadban, waa dagaal bilaawgiis anagana taasi dooni meeyno ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.