Madaxweynihii hore ee Galmudug oo ka hadlay amniga iyo doorashooyinka

11

Cabdi kariim Xuseen Guuleed madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa uu soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee xiligan uu dalka marayo, Amniga, la dagaalanka Al-shabaab iyo arrimaha doorashooyinka.

Mr Guuleed ayaa si cad ah ugu soo horjeestay guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaad oo ay magacowday xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoona xubnaha guddiyada ay u badan yihiin NISA iyo shaqaalo ka tirsan xafiiska madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Cabdi kariim Guuleed ayaa soo hadal qaaday arrimaha garsoorka, waxaa uuna sheegay in dadka soomaaliyeed ay xilligan marayaan in Al-shabaab ay xukun u doontaan, taasi ayuu sheegay in ay tahay mid aad loogu xumaado, isagoona arrintan ku tilmaamay fashil xaga amniga ah ee ku yimid dalka.

Ugu dambeyn Mr Guuleed ayaa ka hadlay canshuurta ay Al-shabaab ka qaadaan shaqaalaha dowladda, isagoona sheegay in qofkii diida bixinta canshuurta la dili doono.