Trump oo doonaya in dib loo tiriyo codadka qaar kamid ah gobolada dalkaasi.

8

Madaxwaynaha wadanka Maraykanka Donald Trump ayaa raadinaya in dib loogu laabto codadka gobolka Wisconsin oo kamid ah gobolada looga guulaystay.

Madaxwaynaha ladoortay ee dalka Maraykanka Joe Biden ayaa gobolkan uga guulaystay Trump codad gaaraya 20,000.

Kooxda ololaha madaxwayne Trump ayaa ku doodaya in dib loo tiriyo codadka dhawr degmo oo kamid ah gobolka Wisconsin kahor inta aanan lagaarin waqti kama dambaysta maanta oo Arbaca ah.

Madaxwayne Donald Trump ayaanan wali aqbalin in looga adkaaday doorashadii ugu danbeesay ee dalkaasi ka dhacday isagoona ku tilmaamay in ay ahayd mid looga shubtay.