Maleeshiyaad ku dagaalamay Galgaduud oo maanta la kala qaadayo.

63

Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in la kala qaado maleeshiyo beeleed dhawaan isku horfadhiyay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, kuwaasi oo halkaasi ku dagaalamay.

Heshiis horudhac ah ayaa laga gaaray xiisadda dagaal ee ka taagan deegaanka Xananbuure , kadib markii ay kulmeen odayaasha dhaqanka ee Labada beel.

Odayaasha dhaqanka ee tagay deegaanka Xananbuure ayaa ka soo kala jeedaa magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale deegaanka Xananbuure ayaa waxaa gaaray guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Cabdiraxman Cali Geeda-Qoroow, isagoona ka qeyb qaadanaya dhameystirka heshiiska ay wada gaareen labada beelood.

Kulamadii ugu dambeeyay ayaa haatan waxaa ay ka soconayaan deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Inta badan Maleeshiyaadka ayaa isku haysta muran dhul daaqsimeed la xiriira.