Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo gaaray Beledweyne

11

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Yuusuf Ahmed Dabageed ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Safarka madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka 2aad ee maamulka Hirshabelle, halkaasi oo ay maalmo sii joogi doonaan.

Sidoo kale wefdiga mdaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa qeyb ka ah Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabelle

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in Magaalada Beledweyne uu tago wafdi ay hogaaminayaan madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaaawe iyo Gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi