Itoobiya oo eedeyn u jeedisay madaxa hay’adda caafimaadka aduunka

12

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Itoobiya Berhanu Jula ayaa ku eedeeyay madaxa ha’yadda Caafimaadka Adduunka in uu wado tallaabooyin uu ku garab siinayo TPLF xilli ciidamada dowladda ay dagaal kula jiraan.

Janaraal Berhanu Jula wuxuu ku eedeeyay Tedros Adhanom Ghebreyesus in uu wado isku day kasta uu ku taageerayo TPLF isla markaana uu ka caawinayo sidii ay hub ku heli lahaayeen.

Madaxa haatan ee WHO, Dr Tedros wuxuu ahaan jiray wasiirkii hore ee caafimaadka Itoobiya xilliggii maamulkii TPLF, waa nin caan ah oo ka tirsan qowmiyadda Tigreega.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in howlgalka militeri ee ka socda Tigray looga golleeyahay in kala dambeynta iyo sharciga dib loogu soo celiyo gobolkaas.