Maxay Madaxtooyada Galmudug ka tiri mooshinka la sheegay in laga abaabulayo Qoor Qoor?

34

Madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug ayaa beenisay in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor laga abaabulayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug Cabdiweli Jaamac Barre, oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo saacadihii la soo dhaafay uu Madaxweynaha Galmudug magaalada Muqdisho  kula qaatay xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa Muqdisho kula kulmay xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Galmudug, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo saameyn ku leh siyaasadda dalka.

Cabdiweli Jaamac Barre Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Galmuduga ayaa KNN u sheegay in kulamadii xalay ka dhacay Muqdisho looga hadlay arimaha doorashada Soomaaliya iyo cabashooyinka ay dhinacyada qaar ka qabaan guddiyada magacaaban ee doorashad

Agaasimaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in mucaaradku ay cadaadis  saareen Madaxweyne Qoor Qoor iyo in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha laga abaabulayo magaalada Muqdisho.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu baahiyey in Qoor Qoor laga wado mooshin xilka looga tuurayo,  kadib markii siyaasiyiinta mucaradka  ay ka horyiomaadeen xubnaha guddiyada doorashoyinka ee dhawaan uu soo magacaabay, sidaasna ay u abaabulayaan mooshinka.

Dhawaan 12 musharax  oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya  ayaa qaadacay guudiyaada doorashooyinka ee magacaaban, kuwaas oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, in kastoo Jubbaland iyo Puntland aysan weli soo magacaabin xubnihii ku meteli lahaa guddiyadaas, iyagoo saluug badan ka qaba hanaanka ay wax u wado Villa Somalia.