Trump oo ciidamada Mareykanka ka saaraya Soomaaliya inta uusan xilka wareejin

11

Sida uu daabacay wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka madaxweyanha dalkaas  Donald Trump ayaa qorsheenaya  in ciidamada ka  jooga dalal ay ku jirto Soomalaiya uu kala baxo, inta uusan xilka.

Dalalka sida gaarka ah warbixinta wargeyska loogu xusay ayaa kala ah Soomalaiya, Ciraaq, iyo Afganistaan, waxaana lagu wada in arintaan ay dhaqan gasho ka hor 20-ka bisha Janaayo sanadka 2021-ka, inta uusan Madaxweyne Trump xilka ku wareejin ninka doorashada uga guuleystay, waa Joe Biden.

Ciidamada ku sugan dalka Afghanistaan ee ka socda Mareykanka ayaa tiradooda lagu sheegay 2,500 (laba kun iyo shan boqol) oo askari, waxaana kala bar dib loogu celi doonaa dalkooda Mareykanka.

Dalka Ciraaq waxaa dowladda Mareykanka ka jooga ciidamo dhan 3,000 oo askari , waana laga saari doonaa inta aysan dhicin xil wareejinta madaxtinimada Mareykanka.

Dalkeenna Soomaaliya dowladda Mareykanka waxaa ka jooga qiyaastii 700 oo askari, kuwaas oo ciidamada xoogga Soomaaliya ka caawiya tababarrada iyo howlgallada gaarka ah.

Ololihii Madaxweyne Trump uu ku galay doorashadii 2016-kii balan qaadyadiisii waxaa ka mid ahaa in ciidamada Mareykanka uga maqan dalalka dibadda ah ee colaaduhu ka socdaan uu dib ugu soo celi doono dalkooda Mareykanka.