Xubno saameyn badan kuleh siyaasdda dalka oo maanta kulan ku yeelanaya Nairobi

19

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo siyaasiin kale ayaa maanta kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda doorashada Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan Nairobi, isla markaana qeyb ka ah kulankaas ayaa KNN u sheegay in maanta kulankii ugu dambeeyay uu ka dhacayo Nairobi, kadibna loo safri doono Muqdisho iyo magaalooyin kale ee gobollada dalka.

Dhinacyadaan ayaa ka shiri doona doorashada Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha guddiyada doorashooyinka oo cabasho badan laga qabo, dooda guddoomiyaha golaha Aqalka Sare iyo dhibaatooyin kale oo doorashada Soomaaliya ku geedaaman.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa siyaasiinta ka soo jeeda HirShabeelle, Galmudug iyo gobalka Banaadir ku eedeeyay in dhankooda aysan ka go’neyn in la muujiyo dareen dhab ah oo ka tarjumaya guddiyada u badan ciidanka NISA iyo Shaqaalaha dowladda ee doorashooyinka Qaranka, maadaama xubnaha ugu badan ay ka soo galeen maamullada Koonfurta Soomaaliya, marka laga reebo Jubbaland.

Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa in kulankaan kadib ay qaataan go’aan ay ku soo magacabayaan guddiyada xagooda ku dhiman ama in ay soo saaraan go’aan u gaar ah oo ay ku muujinayaan dareenka ay ka qabaan qaabka loo marayo magacaabista guddiyadda Farsamada iyo Xalinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya.

Labadaan maamul ayaa la dhacsaneyn, sida ay wax u-wado Villa Somalia.