Askari ka tirsan ciidamada dowadda oo maanta dil ka geystay Muqdisho

105

Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta qof shacab ah ku dilay Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, waxaana goobta ka baxsaday askarigii geystay dilkaas.

Qofka dilka loo geystay ayaa ahaa darawal Bajaaj, waxuuna dilkiisu ka dhacay wadada Wadnaha, gaar ahaan isgoyska Siinaay, sida ay noo sheegeen dad goobjoog ahaa markii uu dilkaasi dhacayey.

Sida ay noo sheegeen dadka noo waramay askariga iyo ninka uu dilay waxaa dhex maray muran kooban, waxuuna wiilka la dilay ahaa wade mooto Bajaaj.

Mudo kadib ayaa meydka marxuumka laga qaaday goobta, waxaana la geeyey xarunta dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID-da, welina lama soo qaban askarigii geystay dilkaas.