Al-Shabaab oo beenisay war ka soo baxay dawladda Itoobiya

12

Al-Shabaab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay hadal kasoo baxay dawladda Federaalka Itoobiya, kaas oo ahaa in ciidamadeedu qabteen xubno katirsan Al-Shabaab.

Dawladda Itoobiya ayaa war ay soo saartay maalintii Sabtida ee shalay ahayd, ku sheegtay in ayy gacanta ku dhigtay rag ka tirsan Al-Shabaab oo qorshaynayey weeraro ay ka gaystaan magaalo madaxda dalkaasi Itoobiya ee Addis Ababa iyo magaalooyin kale ee Itoobiya.

Al-Shabaab ayaa arrintaasi waxa ay ku tilmaamtay in ay tahay waxba kama jiraan.

Waxa ay sidoo kale raacisay Al-Shabaab in arrintan ay tahay mid Abiy Axmed raysal wasaaraha dalka Itoobiya ay tahay, mid uu indhaha caalamku uga jeedinayo dhibaatooyinka ka socda dalkiisa.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intaa ku dartay in aysan wax lug ah ku lahayn colaadda ka taagan gudaha dalka Itoobiya.

Dalka Itoobiya ayaa maalmahaan dambe waxaa ka taagan xaalad colaadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhaxaysa maamulka Tigreyga iyo dawladda Federalka ah ee dalkaasi Itoobiya.