Meydka qof dumar ah oo laga helay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir

60

Meydka Haweeney la gowracay ayaa maanta waxaa laga helay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Xaafadda Buula-Maaxaay ee gobolka Banaadir ayaa lagu arkay meydka haweeynayda lagowracay.

Dadka deegaanka ayaa KNN la soo wadaagay dhacdadan, waxa ayna sheegeen in saaka ay ku waabariisteen Meydkan oo la soo dhigay Xaafadda Buula-Maaxaay.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in Jidhka Meydka haweenaydani uu ka muuqdo dhaawacyo badan.

Lama oga cidda gaystay iyo sababta ka dambeysa arrintan, balse waa dhacdo maalmihii u dambeeyay naadir ku ahayd degmooyinka gobolka Banaadir ay ka kooban tahay.