Maamullada Puntland iyo Jubbaland oo aan soo magacaabin xubnaha ku metali doona guddiyada doorashooyinka

16

Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa wali soo magacaabin guddiyada min Sideedda xubnood ah, ee heer dowlad gobaleed, kuwaas oo qeyb ka ah guddiyada doorashooyinka Qaranka iyo kuwa  heer dowlad gobaleed.

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in ay maanta shir gaar ah arrintaan ka yeeshaan islamarkaana ay qaataan go’aankii ugu dambeeyay ee guddiyada ku dhiman.

Shirkaan ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana ka qeyb geli doono siyaasiin iyo musharaxiin Madaxweyne.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin ku dhow-dhow maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa KNN u sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay diidan yihiin, sida ay hadda u socodaan hawlaha u diyaar garowga doorashada guud ee Soomaaliya, gaar ahaan qaabka loo maray dhismaha guddiyada Farsamada iyo Xallinta Khilaafaadka ee doorashooyinka Soomaaliya.

Madasha Xisbiyada Qaran, Xisbiga Wadajir, siyaasiin iyo musharaxiin badan oo u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa hore u diiday guddiyada doorashooyinka Qaranka iyo kuwa heer dowlad goableed, waxeyna sheegeen in ay ku jiraan Shaqaale Dowladeed, Saraakiil ka tirsan NISA, xubno ka tirsan xafiiysada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha  iyo qaar kamid ah taageerayaashii Madaxweyne Farmaajo ee baraha bulshada.

Machad-ka Cilmi baarista ee Hiritaj ayaa maalin ka hor warbixin uu saaray ku sheegay in guddigaan uusan aheyn mid dhexdhexaad ka noqon kara doorashada Soomaaliya, waxeyna ku taliyeen in la badalo.

Lama oga go’aanka ay Villa Somalia ka qaadan doonto cabashada ka dhanka guddiyada doorashooyinka Soomaaliya.