Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta anxisiyey sharci muhiim ah

0

Xildhibaanada Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodi caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Xildhibaannada ayaa akhrinta saddexaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Beeraha Soomaaliyeed, kaas oo mudooyinkii dambe horyaallay golaha, waxaana isla maanta sharcigaas loo qaaday codka kalsoonida.

Kulanka maanta waxaa soo xaadirtay 142 xildhibaan, kuwaas oo 139 ka mid ah ay u codeeyeen meel-marinta Hindise Sharciyeedka Beeraha Soomaaliyeed, halka seddaxda kalena ay diideen, mana jirto cid ka amaamustay.

Guddoonka Golaha ayaa sheegay in Hindise Sharciyeedka Beeraha Soomaaliyeed uu sidaas ansax ku yahay.