Madaxweyne Farmaajo oo bedelay ku xigeenadii Cumar Filish ee G/Banaadir

31

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa is bedel ku sameeyey hoggaanka sare ee maamulka gobolka Banaadir.

Ugu horeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud u magacaabay guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, ahna ku xigeenka koowaad ee guddoomiyaha gobolka iyo duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayuu madaxweynuhu u magacaabay ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir.

Dikreetadan waxaa Faarax Cabdi Diini loogu magacaabay guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii Xiireey Axmed Rooble ayaa dikreetada madaxweyme Farmaajo loogu magacaabay Xoghayaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir.