Maxay QM ka tiri taageerada Turkiga ee Soomaaliya?

26

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay maalgashiga dowladda Turkiga ee Soomaaliya, kadib wareysi uu siiyey wargeyska Daily News, waxuuna aad u boggaadiyey sida hagar la’aanta ah ee ay dowladda Turkiga ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Taageerada Turkiga ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka maalgashiga ayaa haatan gaarsiisan qadar dhan $ 1 bilyan oo aysan ku jirin howlaha bani’aadanimo iyo horumarinta.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey James Swan in maalgashiga iyo kaalmada horumarineed ee Turkiga ay sare u qaaday kobaha dhaqaalaha ee dalka, ayna yareysay  shaqo la’aanta dhalinta Soomaaliyeed.