Warbixin: Saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu xiray gudaha Soomaaliya iyo saameynta dagaalka

34

Dagaalka mudada 11 cisho ah ka socda gobolka Tigreega ee Itoobiya ayaa si weyn u saameynaya xilligaan Soomaaliya kadib markii ay dawlada Itoobiya la baxday ciidamo Soomaaliya ka joogay kuwa kalena ay la baxayso.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay ayadoo soo xiganaysa mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda difaaca Itoobiya in qiyaastii 500 oo askari oo joogay koofurta Soomaaliya dib loogu celiyay dalkooda.

Sababta iyo qaabka celintooda warar kala duwan ayaa soo baxaya hase ahaatee mas’uuliyiinta hadlay waxay sheegeen in sababtu tahay inay ka qeyb qaataan hawlgalka xasilooni kusoo celinta gobolka Tigreega.

War kasoo baxay midawga Afrika ayaa lagu sheegay in xukuumadda Addis-Ababa ay weydiiyeen su’aalo la xariira ciidamada ay Soomaaliya kala baxday inuu wax weyn u dhibayo hawlgalka midawga Afrika Soomaaliya ka socda ee AMISOM la yiraahdo hase ahaatee mas’uul u hadlay ciidamada gaarka ah ee Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada hadda Soomaaliya ka baxay ay qeyb ka ahayn hawlgalka AMISOM oo ay ahaayeen ciidamo kale oo caawinayay Soomaaliya.

Afhayeenkaan waxaa uu sheegay ciidamada Itoobiya ee ka midka ah AMISOM ay gaarayaan 5 kun oo askari hase ahaatee ay hadda dalka kala baxayaan qiyaastii 3 kun oo askari oo AMISOM  ka tirsaneyn kuwaasoo ka qeyb qaadan doona xasilinta dalkooda