Axmed Madoobe oo war ka soo saaray doorashadii ka dhacday Jowhar

11

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe ayaa lagu yiri “Anigoo ku hadlaya magaca hey’adaha kala duwan ee maamulka Jubbaland iyo kan shacabka reer Jubbaland, waxaan hambalyo waafi ah u diraya madaxda cusub ee dowlad goboleedka HirShabelle, waxaana Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo howsha culus ee loo igmaday.”

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shacabka iyo maamulka HirShabelle ku amaanay sidii nabadda aheyd ee doorashada ay ku qabsadeen, waxuuna kula dardaarmay inay sii xoojiyaan nabadda iyo dhismaha nidaamkooda dowladnimo.