Cali Guudlaawe oo eedeyn u jeediyey beesha caalamka baaqna u diray bulshada HirShabeelle

15

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo warbaahinta la hadlay, ayaa u mahadceliyay cid kasta oo ka qayb-qaadatay habsami u socodka doorashadii uu ku guulaystay.

Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle ayaa  beesha caalamka ku edeeyey in wax kaalin ah aysan ka qaadan doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar ee dhawaan isaga loogu doortay madaxweynaha afarta sano ee soo socta hogaamin doona maamulkaas.

Waxa uu sheegay in maamual goboleedyada dalka ka jira  dhismahooda ay ka qeyb qadan jirtay beesha calaamka, balse wax door ah aysan ka qaadan dhismihii mamaulkaan cusub ee HirShabeelle.

Cali Guudlaawe ayaa xusay in muhiimada koowaad maamulkiisa uu kasiin doono dhallinyarada wax baratay, si looga faa’ideysto aqoontooda oo degaannada Hirshabeelle hormar loo gaarsiiyo.

“Qof walba fikirkeeda iyo taladeeda waan tixgelin doonaa,gaar ahaan dhallinyarada waxbaratay,waxaa idiin baahan dadkiina, waxaa idiin baahan deegaankiina,annaguna waan idin soo dhaweyheynaa,wixi talo ah oo aad noo soo jeedisaan aan qaada doonaa,dadkiina iyo dalkiina ayaad wax u barateen” ayuu yiri madaxweynmaha cusub ee HirShabeelle.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Hirshabeelle ka codsaday in ay la shaqeeyaan maamulka cusub si dhammaan deegaannada Hirshabeelle ay u noqdaan kuwa dhan walba ka hormarsan oo barwaaqo iyo amni ah.