Guddoomiye Mursal oo xaalad taagan u magacaabay guddi 9-xubnood ah

10

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa soo magacaabay guddi ka kooban 9-xubnood, kuwaas oo laga soo dhex xulay xildhibaanada golaha shacabka.

Gudigaas ayaa loo xil-saaray soo saaridda warbixin dhameystiran oo ku saabsan saameynta cudurka Coronavirus uu ku yeeshay dalka.

Waajibaadka shaqo ee guddigaas ayaa lagu qeexay laba qodob oo kala ah.

1 -Xog u ruurin, wareysiga hey’adaha iyo qeybaha kala duwan ee dadka ay khuseyso arintani illaa intii suurta gal ah ee laga gaari karo.

2 -Diyaarinta warbixin dhameystiran oo ku aadan natiijada ka soo baxda xog u uruurinta iyo talo soo jeedinta guddiga, taas oo gudigani uu ku soo celinayo golaha, kana hor akhriyo golaha shacabka.