Dil Naxdin Leh Oo Ka Dhacay Gobolka Galgaduud

23

Wararka ka imaanaya Gobolka  Galagaduud  ee Bartamaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in Xalay degaanka Mareergur uu ka dhacay dil aad u Foolxun oo loo gaystay Qof dhimirka ka xanuunsan oo ku Noolaa degaankaas.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dil loo gaystay Tima Jilic Haarey oo la sheegay in uu ahaa Qof Xanuuunsan, isla markaanaa Geed ku xirnaa, waxaana uu ahaa ruux si weyn looga yaqaanay degaanka.

Qofka dilka fuliyay ayaa la sheegay in uu Goobta isaga baxsaday, isagoo ku saantirtay laamiga mara degaanka.

Dilka Marxuumka ayaa la yaab ku noqotay dadka degaanka, waxaana goobta soo gaaray Ciidanka ammaanka kuwaasi oo la sheegay in ay sameeyeen howlgalo lagu baadi goobayo ruuxii dilka fuliyay.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay marxuumka, waxaana degaanada Gobolka Galgaduud inta badan ka dhaca dagaalo salka ku haaya aanooyin Qabiil.