Mahdi Guuleed oo beeniyay in guddiyada doorashooyinku ay ku jiraan xubno ka tirsan hay’adaha Amniga

7

Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa waxa uu hadlay arrimaha doorashada iyo guddiyada la magacaabay ee arrimaha doorashooyinka ee muranka badan uu ka dhashay.

Mahdi Guuleed ayaa waxa uu beeniyay in guddiyada la magacaabay ee heer Federaal iyo mid maamul goboleedba ay ka madax bannnaan yihiin hay’adaha Amniga,isla markaasina aysan jirin xubin ka mid ah oo guddiyada doorashooyinka qayb ka ah.

Arrintan ayaa waxa uu tilmaamay in dadka ku eedaynaya in ay ku jiraan xubno ka tirsan hay’adaha Amniga  iyo kuwa dawliga ahba ay tahay, mid ay meel uga dhacayaan sharafta xubnaha dhalin yarada ah ee loo magacaabay hawshan.

Dhinaca musharaxiinta u tartamaya doorshooyinka soo aadan ee guud ee uu dalka geli doono ayaa waxa ay marar badan walaac xooggan ka muujiyeen soo magacaabista guddiyada doorashooyinka.

Waxa uu intaa ku daray raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar in cid kasta oo tuhun ka qabta arrintan ay dib u baaraan arrintan.