CC.Warsame oo eedaymo kulul u jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Hay’adda Nabadsugidda

12

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa waxa uu eedaymo u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hay’adda Nabad Suiggidda.

Waxa uu ku eedeeyay Cabdiraxmaan in weli aysan ka quusan in ay helaan mudo kororsi, isagoo sidoo kale sheegay in qalalaase ay ka abuurayaan dalka, maadaama uu sheegay in aysan ku guuleysan Karin doorasho xor iyo xalaal ah haddii ay dhacdo.

Si arrinntaasi ay u gaaraan ayuu sheegay in ay guddiga doorashada ay ku jiraan xubno ka tirsan hay’adda nabadsugidda, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Bulshada ee Facebook.

“Madaxweyne Farmaajo iyo taliskiisa nabadsugidda welin kama quusan muddo kororsi, sababtoo ah wey ogyihiin in aysan doorasho xalaal ah ku guulaysan karin. Waxey doorteen waddo qalaalase abuur ah oo uu billawgeedu yahay guddi doorasho oo xubno nabadsugid iyo CBB u badan.

Waxey ku tala galeen in ay fursad walba xiisad hor leh ku abuuran, si ay Soomaali u kala doorato tooda ama in lagu kala tago. Soomaali waxey marag ka tahay in 30 sano koox kaligeed xoog keeda ah wax ku meel marsata la waayay, cid kasta oo awood is baddana, masiir xun ayaa u danbeeyey.

Villa Somalia iyo taliska nabadsugidda isbaarooyinka ay doorashada ku horgaynayaa waa kuwo is dabayaala, waase la fahamsanahay. Dalkaan doorasho malxiis iyo marag fur been ah ka socon mayso. Waqtiga iyagaa iska lumiyey, Soomaalina way ka tashan, dalkana halistooda waan ka badbaadsanaynaa Ilaaheey idinkii.” Ayuu ku yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, qoraalkiisa uu maanta soo geliyay bartiisa Facebook-ga.