Mahdi Guuleed oo baaq u diray beelaha ku dagaalamaya gobollada Dhexe

12

Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa waxa uu ku baaqay in la joojiyo colaad beeleedyada mudooyinkii u dambeeyay ka taagnaa, qaybo ka mid ah gobollada Dhexe ee dalka, gaar ahaan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Mahdi Guuleed ayaa waxa uu sheegay in xilligaan aan looga baahneyn dalka colaadaha sakeeyo eek u soo noq noqday,isagoo ugu baaqay in beelaha walaalaha ah ee dagaalamaya ay joojiyaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in maamul goboleedka Galmudug ay ka caawin doonto, sidii ay xal uga gaadhi lahayd, colaadaha ku soo noq noqday deegaannada maamulkeeda.

Deegaannada maamulka Galmudug ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka jiray, colaad beeleedyo,kuwaas oo u dhexeeya beelo halkaasi wada dega, waxaana ka dhashay colaadahaasi khasaaro hantiyadeed iyo mid soo gaaray dadka deegaan oo dhimasho iyo dhaawac iskugu jiray.

Shirkii Golaha Wasiirrada oo shalaya ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday colaadaha ka taagan gobollada Mudug iyo Galgaduud, iyadoo baaq nabadeed loogu diray.