DS oo war ka soo saartay muranka ka taagan guddiyada doorashooyinka dalka

40

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ka hadlaya rrimaha doorashooyinka guud ee  dalka iyo guddiyadii dhawaan  loo soo magacaabay arimaha doorashooyinka.

Wasiir Mukhtaar ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ku taagan tahay fulinta qodobbadii heshiisyadii ka soo baxay shirarkii ka kala dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb  iyo Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu xusay in doorashooyinku ay ku dhici doonaan waqtigii lagu ballamay, sida ku cad qodobbadii heshiisyadii Muqdisho iyo Dhuusamareeb.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa hadalkan ka sheegay shirkii Golaha Wasiirrada oo maanta ka dhacay Muqdisho, waxa uuna ku soo aadayaa xilli muran badan uu ka taagnaa maalmahaan dambe magacaabista guddiga doorashooyinka ee uu magacaabay Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.