Wasiir ka tirsan Puntland oo shaqo joojin lagu sameeyay.

13

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraad iyo Badda Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saaalax ayaa qorsheynaha in uu is-casilo saacadaha soo socda, sida ay ogaatay Puntland Post.

Is-casilaada ayaa la xiriirta khilaaf maamul oo afar bilood soo jiitamayay oo u dhaxeeya Wasiirka Agaasimaha guud ee wasaaradda, Cabdirisaaq Jaamac Taraag, taas oo ay xal u waayeen madaxda sare ee Puntland.

Madaxweynaha ku xigeenka Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaasha), ayaa shalay shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga, kadib markii maalin ka hor uu gacan hadal dhexmaray labada mas’uul.