Ciidamadda Amniga Puntland oo gacanta ku dhigay lacag shiling somaali ah

8

Ciidamada amniga maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay lacag dhan 1 Bilyan oo shilin soomali ah iyo gaarigi waday oo ku socday Boosaaso.

Ciidamada ayaa gaarigii siday lacagtan ku qabtay inta udhexaysa Kaantaroolka deegaanka Al-xamdulilaahi iyo degmada Waaciye.

Shacabka Puntland ayaa muddooyinkii udambeeyay waxa ay ka cabanayeen Sicir barar saameeyay maciishada qutul daruuriga ah.

Duqa degmada Qardho Cali Saciid  Cusmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in lacagtan ay tahay 43 jawaan isla markaasna ay hadda taalo bangiga dowladda ee Qardho.

Shacabka degan deegaanda Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay ka cabanayeen  Sicir barar saameeyay maciishada qutul daruuriga ah.