Baarlamaanka Hirshabelle oo kulan deg deg ku yeelanaya Jowhar

18

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay kulan deg deg ah ku yeesheen magaalada Jowhar ee gobolka shabeellada Dhexe.

Kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa amni darada  ka jira wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, halka sidoo kale kulanka diirada lagu saari doono colaad beeleedyada ka taagan magaalada Jowhar.

Mudaneyaasha baarlamaanka ayaa lagu wadaa in kulankooda ugu horeeyay tan iyo markii la doortay madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa ay ku yeeshaan magaalada Jowhar.

Xildhibaan Cabdi raxmaan Cabdi Iidow oo wareysi siiyay KNN ayaa sheegay in mudaneyaasha baarlamaanka Hirshabelle lagu wargelinayay in ay soo xaadiraan fadhiga baarlamaanka maamulkaasi, kaasi oo furmi doono maalinta sabtiga ah.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in kulan ay maanta la yeelanayaan odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Hirshabelle.