Wararka Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Wafdi ka socda Jabuuti

25

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ka socday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Jabuuti Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali).

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabilay wasiirka ayaa ku soo beegmaya dardar-gelinta xidhiidhka walaalnimo, iskaashi iyo derisnimo ee Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ka dhexeeyey oo muddooyinkii u danbeeyey ay labada dal xoojiyeen, muddo bil gudeheed ahna ay laba wefti oo ka socda dalka Jabuuti soo gaadhaan Somaliland.

Waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland, wasiirrada xannaanada xoolaha & horumarinta kalluumaysiga iyo Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland.

Wasiirka Biyaha, Beeraha, Xannaaanda Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee waddanka Jabuuti, Mudane.  Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo isna ka dareen celiyey soo dhaweynta ballaadhan ee loo sameeyey, xusayna inuu u socdo horumar ballaadhan oo ay ugu horayso Biyaha waxa uu yidhi  “Waxaa ii mahada, sharafna ii ah annigoo waddankaygii labaad jooga xuduudkuunbaa nakala haya ee ummad ul iyo diirkeed ah ayaa ku wada nool, oo maanta annigu meel ajaaniba ma joogo, waxaanan u imi sidii walaalahay iskaashi isku dhaf ah oo xagga biyuhu ugu horayso, kuna xigaan Beeraha Kalluunka iyo waxyaalo kale oo badan, aan ka wada tashano oo aanu samayno iskaashi horumar dhaqaale, annigu siyaasad uma socdo Wasiir Horumarineed baan ahay”.

“Xuduudada aanu la leenahay Somaliland aaggaa naga soo horjeeda oo dhan inaan wax isla qabsano, inaan ceelal labada dhinacba ka samayno, waa dad isku mid ah, waa dad walaalo ah. Waa wajigii ugu horeeyey kuwa kalena waa ku xiggi doonaan, wasiirka biyaha waan la shaqayn doona, kuwa kalena waan wada tashan doonaa, cimiladii waa tan is bedeshay harraad baa ugu daran harraad qofkuu hayana wax ka horeeyaa ma jiraan”.