Dagaal beeleed goordhow ka qarxay Mudug

18

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed uu ka socda deegaanka Hol-dooyaale ee gobolka Mudug.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dhawaqa rasaasta laga maqlayo deegaanka Hol-dooyaale.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka socda.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug, kaasi oo ku aadan in ay ka hadlaan dagaalka haatan socda.