FAO oo ku dhawaaqday in ay xoojin doonta howlgalka ka dhanka ah Ayaxa

21
Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO iyo Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Soomaaliya ayaa ku howlan xakameynta Ayax ku soo badanaya maamulladda Puntland iyo Galmudug.
Howl-galkan ayaa loo adeegsanayaa sunta cayayaanka ee saameynta yar sida kuwa joojiya Korriimada Cayayaanka, suntan ayaa dileysa Ayaxa wax yar uun kaddib marka uu dhasho oo ku siman shan ilaa todobo maalmood.
Kooxaha Ayaxa buufinaya ayaa xoojinaya howl-gallada lagu xakameynayo dhibaatada Ayaxa, gaar ahaan deegaannada ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Waxa ay sidoo kale Hay’adda ay sheegtay in ay labo jibaari doonto howlaha ka dhanka Ayaxa.
Ayaxa ayaa dhawaan soo gaaray Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.