Yey Galmudug ku eedeysay dagaal beeleedyada ka dhaca Mudug iyo Galgaduud?

19

Maamulka Galmudug ayaa si adag uga hadlay dagaal maalmihii lasoo dhaafay laba maleeshiyo beeleed ku dhex marayey koonfurta gobolka Mudug, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 10-qof, dhaawacyo badana ay ka dhasheen.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaanada Galmudug, gaar ahaan kuwii u dambeeyey.

Wasiir Falagle ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay aad uga xunyihiin dagaaladaas sida macna darrada ah loogu daadinayo dhiiga muwaadiniinta, isla markaana Galmudug aysan u sii dul-qaada doonin.

Wasiirka ayaa ururka Al-Shabaab ku eedeeyey horinta colaad beeleedyada ka dhaca gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug, si buu yiri ay u wiiqaan dadaallada iyaga looga saarayo dhulka ay ka joogaan Galmudug.

“Markii aan guulo ka gaarnay Al-Shabaab waxay culeys beelaha ku saarayaan sidii ay u dagaalami la haayeen, koonfurta gobolka Mudug iyo deegaannada kale waxaa ka dhacay dagaallo lagu wiiqayo baacsiga cadawga” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Galmudug.

Isagoo sii hadlayey ayuu wasiir Falagle ku goodiyey in Galmudug ay “cid kasta oo ku lug-yeelata dagaal beeleedyada dhacaya ay maxkamadeyn doonto.”